Masar Oo Ka Qeyb Kanoqoneyso Dib U Soo Celinta Soomaalida Kenya

0
176

Dowladda Masar oo ka qeyb gashay shirkii deeq bixiyaasha ay uga hadleen arimaha dib u soo celinta Soomaalida Kenya ayaa waxa ay balan qaaday in ay gacan ka geesan doonto dib usoo celinta Somaalida doonaysa in qaab Mudadawacnima ah ay usoo noqdaan.

Shirkaasi ayaa dhacay 21-ka bishaan aynu ku guda jirno waxana uu ka dhacay magaalada Barasalis waxana si wada jir u shie gudoominayay QM iyo Midowga Yurub.

Masar waxa shirka uga qeyb galay safiir Maxamed Idris oo ah kaaliyaha wasiirka arimaha dibada ee arimaha Afrika,waxana qudbadii uu goobta ka jeediyay ka balan qaaday in dowladda Masar ay ugu horeyso wadamada u istaagaya in ay ka qeyb qaataan Soomaalidaasi dib ugu soo labashadooda dalkooda Hooyo.

Sidoo kale waxa uu muujiyay sida ay uga shaqeen doonaan xasiloonida Soomaaliya sidii ay baaqi u noqon lahayd,sidoo kale Masar ayaa gacan siin doonta ama taagero u fidinaysa Soomalida gudaha ku barakacday oo gaaraya 2Milion qof.