Meydadka Labo Qof oo rayid ah oo Saaka lagu Arkay Magaalada Gaalkacyo

0
171

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta u ah Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Meydadka Labo Qof oo Rayid ah Saaka laga helay Magaaladaasi,gaar ahaan Xadka kala qeybiyay Maamulada Puntland iyo Galmuudg.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Meydadka loo maleenayo in la soo dhigay Goobta oo aan halkaa lagu dilin,waxaana Jirkooda ku yaalla Rasaas.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaan ay yihiin Dad Musaafur ah oo aan ka soo jeedin Gobolka Mudug islamarkaana loo maleenayo in Koox Burcad ah ay dilka u geeysteen.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka kala Arrimiya Magaalada Gaalkacyo wali kama hadlin Meydadka Saaka laga helay Magaalada Gaalkacyo ee xarunt u ah Gobolka Mudug.

Hayeeshee ma ahan Dadka Reer Gaalkacyo wax ku Cusub in ay Subixii ku soo taasaan in ay Arkaan Meydad la soo dhigay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada.