Midowga Yurub Oo Lacag Dheeraad Ah AMISOM Ku Siinaya Dagaalka Al-shabab

0
195

Midowga Yurub ayaa lacag dhan €165 waxa uu siinaya Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya laga wado ee AMISOM si ay dalka uga saaran Xarakada Al-shabab.

Heshiiskaan ayaa waxaa wada saxiixday Midowga Yurub iyo Midowga Africa maalintii Isniinta.

Lacagta ayaa waxaa looso marsiin doonaa Midowga Africa qeybta la socod nabadgalyada ee uu sameeyay Midowga Yurub (APF),waxana hadafka uu yahay dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Horaantii sanadkaan ayaa Ciidamada Soomaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay qaadeen howlgal balaaran oo dhul way oo ay Koonfurat kaga sugnayeen Al-shabaab looga saaray gacantooda oo meelaha la xusi karo kamid tahay Diinsoor iyo Baardheere.

Ambassador Smail Chergui oo ah mas”ulka Midowga afrika ee nabadgalyada iyo amniga u qaabilsan ayaa sheegay in lacagtan AMISOM ka saacidi doonto sii wadista nbad galyada iyo xasilooni kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

Saxiixa heshiiskaan kadib Midowga Africa war uu soo saray waxa uu ku sheegay in lacagtaan lagu fududeeyn doono dhinaca mushaaradka Ciidamada iyo lacagaha lasiinayo ehalada ay askartooda uga dhinteen Soomaliya.

Lacagahaasi sidoo kale waxaa lagu fududeeyn doona howlgalka dhinaca xeebaha iyo iyo agabka ay helaan askarta AMISOM.

Klaus Rudischhauser oo ah sarkaalkii u hadlay EU aya sheegay in lacagtaan ay ku bixinayaan in ay dagto xaalada Soomaaliya.

Midowga Yurub waa hay’ada ugu weyn ee hadda bixinaysa mushaaradka ciidamada AMISOM