Musharax Madaxweyne oo seef lagu dhaawacay dalka Burma

0
223

Hogaamiye  ka tirsan xisbi mucaarad ah oo ka jira  dalka Burma sidoo kalena ah musharax u taagan xilka madaxtinimada dalkaasi ayaa ku dhaawacmay weerar ay ku qaadeen koox ku hubeysnaa seefo iyo mindiyo caasimada dalkaas ee Yangoon.

Wararku waxay sheegayaan in higaamiyahaan oo magaciisa la yiraahdo Naing Ngan Lin uu dhaawac kasoo gaaray madaxa iyo feeraha.

Xilliga siyaasigaan la weerarayay waxaa uu ka qeyb galay banaanbax ay taageerayaasha xisibigiisa dhigayeen kuna soo dhaweynayeen guushii uu xisbiga todobaadkaan ka gaaray doorashadii dalka Burma ka dhacday.

Naing Ngan Lin oo ka tirsan xisbiga NLD ayaa sidoo kale doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacaysa bisha soo socota ee November