QM oo ku baaqday in la caawiyo Soomaalida kasoo laabaneyso dalka Kenya

0
181

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa ku baaqday in taageero loo fidiyo dadka qaxootiga Soomaaliyeed ee kusugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, ee doonaya iney dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Hayada oo lagu magacaabo Adrain Edwards oo warbaahinta kula hadlay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee kusoo laabanaya dalkooda u baahan yihiin taageero kala duwan.

Afhayeenka ayaa sheegay in Hayada UNHCR ay hishiis seddex geesood ah sanadkii 2013 la gashay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, kaasi oo dhigayay in dalkooda lagu soo celiyo qaxootiga Doonaya iney dalkooda kusoo laabtaan.

Hishiiskaasi ayaa dhigayay in magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Luuq lagu soo celiyo dadka kasoo laabanaya xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya ee iskood usoo laabanaya.

Sidoo kale waxaa hishiiska markii dambe lagu biiriyay in dadka lagu taageeri karo iney kusoo laabtaan magaalooyinka Beledweyne, Afgooye, Jowhar iyo Koofurta dalka Soomaaliya.

UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 5000 oo ruux iney dib ugu soo laabteen dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan lagu qasbin kusoo laabashadooda magaalooyinka dalka Soomaaliya.