Qoys Soomaaliyeed Oo Gurigoodii Lagu Gubay Xilli Ay Hurdeen Dalka Norway

0
173

Wararka ka imanaya dalka Norway ayaa sheegaya in qoys Soomaali ah oo deganaa magaalada Ulstein ee dalka Norway gurigii ay degenaayeen lagu gubay markii labaad muddo saddex toddobaad gudahood ah.

Gurigan ayaa waxaa ku noolaa 12 ruux oo lix kamid ah ay carruur ahaayeen, Qoyskan ayaa hadda si kumeel-gaar ah u daggan hotel ku yaal isla magaaladaasi Ulstein ayaa waxaa labadii marba dabka la qabadsiiyay gurigooda saq dhexe xilli ay hurdayeen, waxaana hurdada ka toosiyay dad deriska ah.Waxaa bannaanka guriga laga helay caagad baasiin laga daadiyey oo loo maleynayo in loo adeegsaday gubitaanka guriga.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in hal ruux ayay booliska u qabteen dabkii koowaad laakiin ma cadda cidda ka dambeysa dabkan labaad. Wiil ka mid ah qoyskan oo lagu magacaabo Maxamed ayaa saxaafadda Norway u sheegay in arrintani cabsi gelisay maadaama ay tahay markii labaad oo habeen madow gurigooda lagu gubo.

Qoyskan ayaa shan sano ka hor dalka Norway yimid, waxaana afar ka mid ah shantaasi sano ay dagganaayeen magaalada Ulstein. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli dalka dariska la ah Norway ee Swedan maalmahan dambe kaamam badan oo qoxooti dagan yihiin iyo guryaba dab la qabadsiiyay.

Sidoo kale qof wajiga soo xirtey ayaa seef la dhacay arday asalkoodu uusan ahayn reer Yurub oo wax ku baranaysay iskuul ku yaal dalka Sweden waxaana halkaa ku dhintey macalin iyo arday asalkiisu ahaa Soomaali.Wadamada reer Yurub ayaa haatan waxaa ka soo baxaya isir neceyb iyadoo weli ay kumanaan ruux ay qaxootinimo ku soo galayaan wadamada reer Yurub.