Shiicada Dalka Bangladesh Oo La weerary

0
210

Booliska waddanka Bangladesh, ayaa waxa ay xireen seddax qof kaddib markii bamb lagu weeraray isu soo bax ay sameysteen xubnaha Muslimiinta Shiicada ee laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Wiil dhallinyara ah, ayaa dhintay kaddib markii dhowr bam oo gacma ku sameys ah lagu tuuray kumannaan qof oo cibaadaysanayay, oo isugu soo baxay kulanka sanadlaha ah ee Caashuura oo ka dhacayay magaalada caasimadda ah ee Dhaka.

Ku dhawaad 100 qof, ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Hoggaamiyayaasha Shiicada Bangaladesh ee laga tirada badan yahay, ayaa sheegay inay aheyd markii ugu horeysay ee la bartilmaameedsaday isu soo baxa.

Bayaan ay Twitterka soo dhigeen kooxda Dowladda Islaamiga, ayaa waxa ay ku sheegeen inay iyagu ka dambeeyeen weerarka.

Weerarka, ayaa dhacay maalin kaddib markii 22 ruux lagu dilay Pakistan oo uu qof isku qarxiyay isu soo baxa Cashuura ee Jacobabad.