Shiinaha oo Tababar & Diyaarado ugu deeqaya howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya

0
256
Taliyaha ciidamada Uganda ayaaa sheegay in dowlada Shiinaha ay taageero kala duwan Siisay ciidamada dowlada Uganda eek u sugan gudaha dalka Uganda, sida uu sheegay.

Mr Wamala ayaa sheegay in marka loo eego ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Soomaaaliya ay wajahayaan yaraaanta agabkii ay u baahnaayeen si ay ula dagaalamaan, isaga oo dalbaday in laga taageero dhanka agabka dagaalka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca.
Taliyaha ciidamada Uganda ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan deegaano adag oo ku yaala Soomaaliya oo ciidamada AMISOM ku sugan yihiin ayna kala kulmaan caqabo badan, taasi oo uu sheegay iney u baahan yihiin in dhanka agabka laga taageero.
Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jiping ayaa sheegay iney howlgalka Africa ku taageeri doonaan diyaarado Helicopters ah ayna tababari doonaan ku dhawaad 5000 oo askari oo nabad ilaalin ah shanta sano ee soo socoto.