Shir looga hadlayo Dhaqaalaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furmaya

0
233

Maanta Magaalada Muqdisho waxaa ka furmi doono shir loga hadlayo Dhaqaalaha Somaliya kaas oo ay ka qeybgali donaan wasiirka maaliyadda Dowlada Fadaralka iyo wasiirada maliyada Ee Maamul gobaledyada dalka.

Shirkaan ayaa waxaa sido kale  qeyb ka noqon doono xubno ka socda beesha caalamka iyo hey’adaha dhinaca dhaqaalaha.

Maamulka puntland ayaa la hadal haayey in aysan shirkaan ka qeybgaleen balse wasiir ku xigeenka wasarada maaliyada Puntland Axmed yasiin saalax ayaa xaqiijiyey in uu soo garay magaalada muqdisho si uu uga qeyb galo shirkan loga hadlaayo Dhaqalaha dalka

Shirkii golaha wasiirada Ee todobaadkaan ayaa looga hadlay qaabka koor logu qaadi karo dhaqalaha Somaliya iyado la kaashanayo beesha caalamka

Wasiirka maaliyada Dowladda federaalka Max’ed Adan ibraahim fargeti ayaa sheegay sheegay in hadii Somaliya ay hagaajisato dhinaca maaliyada ay macquul tahay in laga cafiyo deynta lagu leyahay Somaliya.

Dowlada fadaraalka Ee Somaliya ayaana mudooyinkaan waday qorsha kor logu qadayo dhaqaalaha iyado wasiir fargeeti uu horay u sheegay in maamul gobaledyada iyo dowlada Fadaraalka ay iska kaashan donaan mideynta canshuurta dalka.