Shir Madaxeedkii Africa Iyo Hindiya Oo Lagu Heshiiyay La Dagaalanka Argagixisada

0
201

War saxaafadeed kasoo baxay shir madaxeedka Africa iyo Hindiya ee ka socda magaalada New Delhi ee dalka Hinya ayaa lagu sheegay in dhawr wadan oo African oo Soomaaliyana ay ku jirto in laga taageero dagaalka ay kula jiraan waxa argagixisada loo yaqaan.

Warkaan oo lagu qoray warbaahinta Hindiya qaarkood waxaa lagu sheegay in muhiimadda ugu horeysa la siiyo taageerida dagaalka ay dawladaha Soomaaliya, Kenya, Nigeria, Niger iyo Masar kula jiraan kooxaha hubeysan ee Al-Qacida iyo Daacish ka tirsan.

R/wasaaraha Hindiya Narendar Modi oo furitaanka kulan madaxeedka ka hadlay ayaa sheegay inuu dareensanyahay culayska ay dawladaha Africa ku hayaan kooxaha hubeysan ee Al-Qacida ama Daacish ku jiran ee dagaalka wada sida uu yiri.

Wargeyska The Indian Express ayaa sidoo kale qoray in R/wasaare Modi uu balan qaad u sameeyay wadamada Africa ee dhibaatada badan ka taagan tahay Soomaaliyana qeyb ayay ka tahay wadamada yabooha dhaqaale loo sameeyay.

Qaaradda Africa ururada Al-Shabab oo Al-Qacida ka tirsan iyo Boka Xaraam oo Daacish sanadkaan ku biirtay ayaa awooda ugu badan ku leh dad badan ayaana ku waxyeeloobay weeraro ururadaas ay qaaradda ka geysteen.