Shirka Iskaashiga India iyo wadamada AFrika oo ka furmaya magaalada New Delhi

0
179

Shirka looga hadlayo iskaashiga Africa iyo Wadanka India ayaa maanta ka furmaya magaalada New Delhi ee caasimada dalkaasi India,waxaana ka qeyb galaya qaar ka mid ah Hogaamiyaasha Africa.

Shirkaan ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud,waxaana inta uu socda diirada lagu saari doonaa sidii India iyo dalalka Qaarada Africa ku yaalo iskaashi buuxa u dhexmari lahaa.

Shirkan oo ay tahay markii saddexaad ee la qabto heerkiisa ayaa ayaa waxa uu furmamaya maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 29-ka October, Soomaaliyana waxa ay u tahay fursad weyn iyadoo dowladda Soomaaliya iyo wadanka India ay si gaar ah uga hadli doonaan sidii kheyraadka iyo korontada la isaga kaashan lahaa sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Sidoo kale,shirka Iskaashiga ka dib,ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu kulumo gaar gaar ah la qaadan doonaa mas’uuliyiinta Dowlada India iyo madaxda kale ee shirka ka qeyb galeysa.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka midyahay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa shalay gelinkii danbe gaaray dalka India, iyadoo garoonka New Delhi ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta Dowladda Hindia iyo danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada New Delhi.