Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in la soo xiro

0
194
????????????????????????????????????

Waxaa Galinka danbe ee maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka lagu soo geba gabeeyo Shirka Madasha wadatashiga Qaran oo Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka .

Amaanka ayaa si weyn loo Adkeeyay,waxaana la Xiray Wadooyin baddan oo Muhiim ah.

Wadada Maka Al-mukarama ayaa ka mid ah Wadooyinka sida weyn loo isticmaalo,iyadoo Saaka Gaadiidka loo diidayo islamarkaana Dadka Lugta ah ay isticmaalayaan.