Tahriibayaal Soomaali ku jiraan oo ku dhintay xeebaha dalka Libya

0
274

Meydadka ku dhawaad 95 ruux oo tahriibayaal ah ayaa laga helay xeeb ku taala dalka Libya, sida ay baahisay hayada Hayada Samafalka ee bisha Cas, waxaana dadkaasi badankood la sheegay iney ka tageen dalalka bariga Africa.

Afhayeen u hadlay hayadaasi Maxamed Al-Masraati, ayaa sheegay in 85 qof kamid ah dadkaasi laga helay meel ku dhow caasimada Libya ee Tripoli, halka 10 ka kale laga helay meel kud how magaalo xeebeedka Sabartha ee dalka Libya.
Badankood dadkaasi ayaa doonayay iney usii gudbaan dalalka qaarada Yurub, waxayse ku dhinteen biyaha Libya.
Sidoo kale waxaa socda baadigoobka dad kale oo loo maleynayo iney biyaha ku maqan yihiin, waxaana badankood dadkaasi ay ka tageen dalalka qaarada Africa.
Hayada Muhaajiriinta Caalamiga, ayaa sheegtay in todobaad kastaa dad badan ku dhintaan biyaha u dhaxeeya Yurub iyo Africa, iyadoo sanadkaan oo kaliya 2600 ku dhintaan biyaha Mediterranean.
19k-kii bishii Sebtember ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa badbaadiyay 4,500 oo tahriibayaal halka dhamaadkii bishaasi ciidamada Talyaaniga ay badbaadiyeen 1,151 ruux oo tahriibayaal ah.
Dadkaasi ayaa ka tagay dalalka Eritrea, Soomaaliya iyo wadamada kale ee bariga iyo Galbeedka Africa.