Taliska Ciidanka Booliska Jowhar oo ka hadlay Howlgal ka dhacay degmadaasi

0
194

Howlgalkaan oo si wada jir ay u fulinayeen Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida ayaa xalay ilaa iyo saakay wuxuu ka socday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,waxaana inta howlgalka uu socday lagu soo qabtay dhalinyaro badan oo qaarkood loo maleynayo iney yihiin dad falal amaandari ka waday magaaladaasi.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska degmada Jowhar Isaaq Geele Warsame oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgal bilowgiisa xalay ahaa oo ilaa iyo saakay soo gaaray oo ka socday xaafado ka tirsan magaalada Jowhar,kaasi oo ka danbeeyay qarax lagu tuuray xarunta taliska ciidanka Booliska degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Wuxuu sheegay in Howlgalka lagu soo qabtay dhalinyaro gaareysa ilaa iyo 4-ruux,kuwaasi oo loo maleynayo iney ku dhex Milan yihiin kuwii qaraxa tuuray.

Xaafadaha Howlgalka sida gaar ah looga fuliyay ayaa kala ah Horseed iyo Kulmis oo dhalinyarada laga soo kala qabtay u kala jiheysnaayeen kuwo guryahooda laga soo baxay iyo dhalinyaro goobaha lagu caweeyo ama fadhi ku diriryada laga soo qabtay,Sida Geel uu sheegay.

Dhalinta ayaa hada ku jirta xabsiga dhexe waxaana ku socdo baaritaan lagu xaqiijinayo danbigaooda.

Qaraxa oo lala damacsanaa xarunta Taliska Ciidanka Booliska degmada Jowhar ayaan geysan wax qasaaro ah,wuxuuna ku dhacay goob qashin qub ah oo sidaasi xarunta uga fogeyn.