Taliyaha Booliska Soomaaliya oo gaaray Magaalada Cadaado

0
274

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta gaaray Magaalada Cadaado oo Xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug.

Taliyaha oo Safar dhulka ah uga soo baxay Magaalada Gaalkacyo ayaa Degaanka Galinsoor ee Gobolka Galgaduud waxaa uu Tababar ugu soo xiray 83 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Taliyaha soo dhaweeyay ayaa Tilmaamay in ay soo dhaweynayaan Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha  Ciidamada Booliska Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Magaalada Cadaado uu u tagay sidii uu ugu kuur gali lahaa Xaalada Ciidamada Booliska Maamulka Galmudug ay ku sugan yihiin islamarkaana baahiyaha uu arko uu u gudbin doono  Madaxda ka sareeysa ee Dowladda Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa Maalmahaan ku sugnaa degaanada Maamulka Puntland,iyadoo Safarka Taliyaha uu ku qotobo sidii uu u ogaan lahaa Xaalada Ciidamada Booliska ee Maamul Goboleedyada ay leeyihiin.

Xaamud-280x175-720x340-620x330