Tiradii Ugu Badnayd Wasiirrada Xukuumadda Somaliland Oo Mar Keliya Is Casilay

0
253

In ka badan laba iyo toban ma’suul oo xilal ka hayay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa mar dhowayd iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Somaliland, kaddib markii ay sheegeen in madaxweynuhu la saftay mid ka mid ah musharaxiintii u tartamayey musharaxnimadda xisbiga kulmiye.

Mas’uuliyiintan kuwa ugu tunka weyn waxaa ka mid ahaa; Wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali xaaji Xasan, wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis , wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirka Hawlaha Guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif, wasiir ku xigeenka hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq, agaasimihii wasaaradda ganacsiga, Wasiir ku xigeenka shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiir ku xigeenkii dib u dejinta iyo Afhayeenkii madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa isagana sheegay in markii madaxweynuhu dhinac noqday uu xilkii iska casilay.

Hase yeeshee, inta badan wasiirradan xilka iska casilay ayay saaxiib aad u dhow ahaayeen wasiirka hore ee madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan kaas oo dadka siyaasadda faaqidda tilmaameen inuu ka dambeeyey is casilaadda wasiiradda kale.

Wasiirradan ayaa ahaa isbahaysi si weyn uga soo horjeeda guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Cabdi, waxaanu wasiir Xirsi aad u taageersanaa Maxamed Biixi oo  uu rabay inuu musharax u noqdo xisbiga kulmiye si uu isna gudoomiyaha xisiga kulmiye u noqdo.

Dhinaca kale, wasiirka Warfaafinta C/laahi Daahir Cukuse oo isna goobta joogay ayaa isagu sheegin inuu is casialy, balse xusay in loo baahan yahay in hadba qoladda cadhoota la maslaxo,isla markaana tilmaamay in xisbiga kulmiye ay Somaliland ka weyn tahay oo ku baaqay in amniga la ilaaliyo, isagoo hadalkiisa laga dhandhansanayey inuu iskaga dab qaadayo masuuliyiintan is casilay iyo madaxweynaha.