Uganda Oo Joojinaysa Tababarida Ciidamada Soomaaliya

0
271
President of Uganda Yoweri K Museveni gestures as he speaks during a news conference in a hotel in St Julians, Valletta, Malta on the first day of the Commonwealth Heads of Government Meeting (CHOGM), Friday Nov. 25, 2005. CHOGM was opened by Britain's Queen Elizabeth II on Friday and the event is due to hosted by Uganda in two years time. (AP Photo/Martin Cleaver)

Dawlada Uganda ayaa ku dhawaaqday inay iska joojinayso tababarada ay ciidamadeeda Soomaaliya jooga siiyaan ciidamada dawlada Soomaaliya oo ay in muddo ah waday.

War kasoo baxay dawlada Uganda warbaahinta qaar lagu qoray ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda dawlada Uganda ka doodeen sida uu u socon karo qorshaha lagu tababaro ciidamada Soomaaliya.

Ujeedka ugu weyn ee xukuumadda Kampala u joojinayso tababarida ciidamada dawlada Soomaaliya waxaa lagu sheegay inay ka cabsi qabto in ciidamada marka tababarka u dhamaado inay ku biiraan Xarakadda Al-Shabab ama xataa ay goostaan.

Saraakiil Ugandes ah oo la xigtay ayaa sheegay in tiro badan oo askar la tababaray aysan hadda shaqeyn oo ay ciidamada ka baxeen taas ayaa keenaysa in shaqada la joojiyo ayadoo uu jiro heshiis ay Q,M ogtahay oo la xariira in la tababaro ciidamada Soomaaliya.

Ka sokow in dawlada Uganda ay ku doodayso in sababta u joojinayso tababarida ciidamada Soomaaliy ay tahay inay ka cabsi qabaan inay goostaan haddana waxaa jira culeys dhaqaale oo howlgalka AMISOM haysta xilligaan.

Horey mar waxaa u soo baxay warar sheegaya in ciidamada Uganda ay Muqdisho ku tababareen dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsanaa taasoo keentay in xataa saraakiil Uganda u dhashay lagu maxkamadeeyo.