UNHCR oo shaacisay tirada Somalida dalka dib ugu soo noqotay

0
445

Warbixin cusub oo ka soo baxday Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Qaxootiga e UNHCR, ayaa lagu sheegay tirada dadka Somalida ah ee dalka Kenya ka soo laabtay tan iyo sanadkii 2014-ka.

UNHCR, ayaa sheegtay 5,000 oo qaxooti Soomaaliyeed inay dalkooda hooyo ee Somaliya dib ugu soo noqdeen, kuwaasi oo ka kala degay Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya.

Waxa ay shegtay Hay’ada dadkaan inay heleen caawimaad ay siisay UNCHR, waxaan ka mid ah agab kala duwan in loogu deeqay oo ay ka mid yihiin Alaabta Jiifka, Maro Kaneeco iyo Weelasha raashinka lagu karsado.

Afhayeen u hadlay Hay’ada UNHCR, ayaa sheegay weli xaalada ammaan ee deegano ka mid ah Somaliya inaysan hagaagsaneyn, sidaasi awgeedna aanan dib loo celin karin Qaxooti badan oo Somali ah.

Hada waxaa diiwaangashay dad gaaraya 4500 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo doonaya inay dalkooda dib ugu noqdaan.

Afhayeenku wuxuu sheegay in walaaca amni dari ee ka jira dalka, goobaha waxbarashada oo aan haysan qalabkii ay u baahnaayeen iyo fursado shaqo oo aan jirin ay sababeen in dad badan aysan jecleysan iney dalka dib ugu laabtaan.