Waa nin Ceynkee ah Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho? iyo Jaaliyadda Soomaalida Masar oo soo dhaweysay

0
315

Inta badan Soomaalida ku nool Magaalada Qaahira ayaa soo dhaweeyay Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sh Yuusuf Xuseen Jimcaale. 

Qaar ka mid ah Aqoon yahanka, Ardeyda iyo qaybaha kale ee Bulshada Soomaalida Masar oo ila soo xiriiray ayaa ii sheegay in Magacaabista Yuusuf_Jimcaale tahay Guul u soo hooyatay Shacabka gobolka Banaadir. 

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Soomaalida Masar oo aan kula kulmay Magaalada Qaahira ayaa ii xaqiijiyay Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir inuu yahay Shaqsi wax weyn ka bedeli kara Habacsanaanta iyo Musuqmaasuqa ka jiray gobolka Banaadir. 

Sh Yuusuf Jimcaale waxa uu ahaa Aqoonahan Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Qaahira in ka badan 15 sanadood waxa uuna ka mid yahay Shaqsiyaadka ku weyn Qalbiyada Soomaalida degan magaalada Qaahira. 


‪Waa_Nin_Ceynkee_ah_Gudoomiye_Yuusuf_Jimcaale‬? 


Gudoomiye Yuusuf Jimcaale Gudoomiyaha gobolka Banaadir waxa uu waxbarashadiisa Hoose, Dhexe iyo Sare ku soo qaatay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia.

Waxbarashadiisa heerka Jaamacadda waxa uu ka qaatay Masar waxa uuna ka qalin jabiyay Jaamacadda Open American University ee Magaalada Qaahira, Qaybteeda Shareecada. 

Sh Yuusuf waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay wax u qabashada jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Masar intii uu ku noolaa Magaalada Qaahira, waxana uuna ka soo shaqeeyay Maamulada Jaaliyadaha kala duwan ee Somalida ay ku lahayd Dalka Masar. 



Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir, waxa uu sidoo kale u soo shaqeeyay Heyado samafal oo ka howlgali jiray Somalia isagoo kaalin weyn ka qaatay u gargaarida Soomaalida xiliyadii Abaarta, isagoo Kaalmo badan ka qaadi jiray Heyado fadhigoodu yahay Qaahira. 

Dhinaca kale, Shaqsi ahaan Sh Yuusuf Jimcaale waa nin Degan oo Dabeecad Macaan islamarkaasina ‪‎Tawaaduc‬ badan. 

Waa nin Af tahan ah oo marka uu la hadlayo dadweynaha ku qanciyo xikmad badan taasoo Soomaalida Qaahira ay ku jeclaayeen. 

Sidoo kale, Shaqsi ahaan Sh Yuusuf Jimcaale waa nin aad ugu wanaagsan dhinaca Amaanada iyo u gargaarida dadka baahan. 

Gudoomiye Yuusuf Jimcaale ayaa lagu tilmaami karaa inta aan ka aqaano nin aad u neceb Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa. 

Ugu dambeyn waxaa la dhihi karaa Hogaanka Gobolka Banaadir iyo Magaalada Muqdisho oo markii hore uu hogaamin jiray nin wax ku soo bartay Khartoum ayaa u soo wareegay Aqoon yahan Wax ku soo bartay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

yuusuf  jimcaale