Wado shaqeyn intee la’eg ayaa ka dhaxeyso ciidamda booliska iyo dadka shacabka reer muqdisho

0
191

Booliska Dowladda Federalka Somaliya, ayaa waxa ay qirteen wada shaqeyn wanaagsan inaysan kala dhaxeyn shacabka, xilli ciidamada Booliska ay ka shaqeeyaan 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Generaal Maxamed Cumar Madaale oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Booliska Somaliya, ayaa sheegay ciidamada Booliska 17-Saldhig inay ku leeyihiin Magaalada, sidaasi ay tahayna wada shaqeynta Bulshada ay la leeyihiin aysan wanaagsaneyn.

Waxa uu tilmaamay Madaale ciidamada Booliska Somaliya sidoo kale inay koontaroolo badan ku leeyihiin Magaalada gudaheeda, laakiin waxa uu sheegayaa shacabka la’aantoda inaysan shaqeyn karin ciidamada.

“Ciidamada Booliska 17 Saldhig ayeey ku leeyihiin Magaalada Muqdisho iyo dhowr iyo sodon Koontarool, wada shaqeynta shacabka ay la leeyihiin intooda badan waa ay liitaan, waan qireynaa tababarada ciidamada inay dhaliil leeyihiin.” Ayuu yiri Generaal Madaale.

Shacabka Somaliyed intooda badan Kalsooni badan kuma qabaan ciidamada oo ay kula shaqeeyaan.