Walxo Iftiimiya oo lagu arkay hawada sare Deegaano ka tirsan Maamulka Puntland

0
394

Habeenimadii Khamiista (Xalay) saacadu markay ahayd abaarihii 6:30pm xiliga geeska Afrika ayaa magaalada Gaalkacyo laga arkay xidig iftiin badan oo hawada sare maraya iyadoo sababtay in Korontada ay ka tagto magaalada Gaalkacyo in ka badan 30 Daqiiqo.

Sidan oo kale ayaa magaalooyinka u dhaxeeya Gaalkacyo ilaa Garoowe laga Arkay Iftiinkan xiliyo kala duwan oo Daqiiqado u dhaxeeya, Magaalada Badhan (Sanaag) iyo deegaamo ku xeeran ayaa iyana ay arkeen 7:50 pm Fiidnimo, Dadka ayaa isweydiinaya waxa uu yahay Iftiinkan oo u qaabsamaysan Qori dab ah oo la tuuray, halka dadka qaar ku tilmaameen qaabkiisa sidii dalada.

“…Iftiinkan aadbaan uga yaabnay dhanka Koonfureed ayuu nooga yimid markii uu marayey bartamaha magaalada waxaa tagtay dhamaan Korontada Iftiinka markaas muuqday wuxuu ahaa Isaga oo kaliya 20 daqiiqo ka dibna waxa uu nooga dhamaaday dhanka waqooyi…” ayuu yiri Goobjooge ku sugan Gaalkacyo.

Khabiirada ku takhakhusay cilmiga meerayaasha oo aan la xiriirnay ayaa ku qiyaasay Dhagax samada ka soo dhacay iyagoo sheegay in aysan horay u arag, Sidaa oo kale dadka da’da ah ee ku sugan deegaamada Puntland ayaa sheegay in weli arag xidig qaabkan u Iftiin badan oo sidan oo kale ugu arkaan samada.

Ilaahada lama Oga in sidan oo kale looga arkay wadamo kale, wuxuuna dhanka Soomaaliya uga gudbay dhinaca bada Cas.

Hay’ada Maraykanka ee Cilmi-baarista hawada sare ee NASA ayaa todobaadkan sheegtay in Maalinta Sabtida ah uu dhagax hawada sare maraya (asteroid) kusoo dhawaan doono Dunnida, balse lama oga wuxuu ahaa iftiinkii xalay lagu arkay Puntland.

Gantaalo