War Deg-deg ah; Diyaarad ku soo dhacday duleedka degmada Afgooye

0
573

Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in diyaarad ay ku dhacday deegaanka Furuqley oo 25km dhinaca galbeed ka xigta magaalad Afgooye.

Lama oga diyaaradan waxa ay ahayd halka ay ka timid iyo haka ay u socotay, Deegaanka ay diyaaradan ku dhacday ayaa la sheegay in roobab xoog leh uu ka da’ayo iyadoo dadka deegaankaa oo ah meel miyi ah aysan faahfaahin ka bixin diyaarada nooca ay tahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaarad dhacday loo maleynayo inay tahay kuwa rakaabka ee isaga kala goosha gobolada dalka, waxaana muddooyinkii u dambeeyay soo badanayay diyaaradaha yar yar ee duulimaadyada ku tagayay magaalooyinka koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maamulka degmada Afgooye ayaa xaqiijiyay soo dhicista diyaarada, hase ahaatee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laanta duulista hawada oo ku saabsan diyaaradan.

Dalka Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa isaga gooshayay diyaarado yaryar oo nooca rakaabka ah iyadoo diyaaradahaana ay duulimaad gudaha sameynayeen.

Waa markii labaad oo diyaarad ay ku soo dhacdo deegaan  ka tirsan degmada Afgooye hase ahaatee diyaaradan ayaa ka duwan diyaaradii toddobaadyo kahor ku sii dhacday deegaanka carbidyska iyadoo xiligaa ay ahayd xilli habeen ah.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco Hiranweyn.com