War Deg Deg Ah Wasiiro badan oo katirsan Maamulka Somaliland oo Goordhaw is casilay Iyo Magacyada Wasiirada

0
182

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in goordhaw is casileen Wasiiro katirsanaa Xukuumada Somaliland iyo Xubno kale oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha Somaliland.

Wasiirada iscasilay ayaa ayaa kuwa aad ugu dhawaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, sida Wasiirka Madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Halkan ka Aqriso Liiska Wasiirada iyo xubnaha kale ee Goordhaw is casilay.

1-Wasiirkii Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis
2.Wasiirki Cadaalada Xuseen Axmed
3..Wasiirkii madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan
4.Wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada DR Abdi Aw Dahir
5. wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed
7.Wasiir Ku Xigeenki Wasaarada shaqada Iyo Arimaha Dibada Cabdi Waaxid Cabdiraxman
8. Wasiir ku xigeenka dib u dejinta nimco xuseen qawdhan.
9 . Agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha Mawliid Waris Cabdilaahi
10-6.Afhayeenki Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxu

Waxaa laga cabsi qabaa in saacadaha soo socdana xubno kale oo katirsan Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland ay is casilaan, lamana oga sababta ka dambeysa iscasilaada Wasiiradan katirsanaa Maamulka Siilaanyo.