Wararkii ugu Dambeeyay Ciidamada Galmudug oo maanta dagaal kula wareegay Deegaanka Camaara

0
383

Wararka ka imaanaya Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Maamulka Galmudug ay maanta dagaal kula wareegeen Deegaanka Camaara, halkaas ay dhawaan Al-Shabaab la wareegeen.

Ciidamo aad u hubeesan oo katirsan Maamulka Galmudug ayaa weerar ku qaaday Deegaanka Camaara, waxaana ciidankaasi ay dagaal mudo kooban socday la galeen Ciidamada Al-Shabaab ee dhawaan qabsaday Deegaanka Camaara.

Cabdikariin Maxamuud Maxamed oo ah Taliyaha Howlgalinta ciidamada Galmudug, ayaa sheegay in ciidankooda ay maanta la wareegeen deegaanka Camaara ay Gobolka Mudug halkaasna ay ka saareen Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee isbuucyo kahor la wareegeen.

Dagaalyahandii Al-Shabaab ee laga qabsaday Deegaanka Camaara ayaa u dhaqaaqay Dhinaca Degmada Xarar Dheere oo saldhig weyn Al-Shabaab u ah, waxaana laga cabsi qabaa in Al-Shabaab ay dib u weeraraan Deegaanka Camaara ee maanta laga saaray.

Xaalada Deegaanka Camaara ayaa ah mid hada dagan, waxaana amaanka guud ee Deegaankaasi la wareegay Ciidamada Maamulka Galmudug ee la wareegay, kuwaa oo howlgalo kawada qeybo kamid ah Deegaankaasi.