Wararkii ugu danbeyey diyaaradii ku dhacday duleedka Afgooye

0
356

Faah faahin horu dhac ah ayaa ka soo baxaya diyaarad yar oo kuwa rakaabka ah, taasoo maanta duhurkii ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaarada ayaa la sheegay inay ka soo kicitintay magaalada Nairobi, iyadoo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Balli-doogle, halkaasoo saldhig milateri u ah Ciidamada AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga diyaarada ay dhaceysay ay roobab xoogan ka da’ayeen deegaanka, lamana oga inay cimilada oo xun awgeed inay u dhacday diyaarada iyo in kale.

Deegaanka ay diyaarada ku dhacday oo lagu magacaabo Cusmaan Durre ayaa ah deegaan u dhaxeeya Afgooye iyo Toora-Toorow oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ku dhow yihiin deegaanka ay diyaarada ku dhacday, taasoo adkeyn karta wararka laga heli karo diyaarada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa xaqiijiyay in halka ay diyaarada ku dhacday ay ka ag-dhow yihiin Al-Shabaab, hase ahaatee ciidamo xoogan oo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda ay deegaanka diyaarada ku dhacday ku baxeen.

Lama oga khasaaraha diyaarada dhacday ay geystay, sidoo kale lama oga cida saaran iyo waxa ay siday, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose uu sheegay inay baaritaan ku hayaan cida laheyd diyaarada, dadka saarnaa iyo dalka laga lahaa.