Warbixinta QM oo lagu eedeeyay siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhow Madaxweynaha Somalia

0
199

Warbixin kooxda kormeerka cuno-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea ay soo saareen ayaa si gaar ah waxay ugu eedeeyeen siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha Somalia inay dhaqaale aad u badan ku bixiyeen sidii ay u maamuli lahaayeen dhismaha maamul-goboleedyada dalka.

Kooxda ayaa warbixintooda ku sheegay in Damul Jadid oo ah xisbi ay ku jiraan xubno aad ugu dhow madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ay kaalin weyn ku lahaayeen in C/kariin Xuseen Guuleed loo doorto madaxweynaha maamulka Galmudug.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in kooxda Ala Sheekh oo isna ah xibsi ay ku jiraan xubno ay aad isugu dhow yihiin madaxweynihii hore ee Somalia, Sh. Shariif Sh. Axmed ay isku dayeen inay dhaqaale badan ku iibsadaan guddigii loo xil-saaray dhismaha maamulka, si ay u helaan codadka 68-da xildhibaan ee ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

“Ma jirto faa’iido la barbar-dhigi karo sida deg-degga leh ee uu C/kariin Guuleed markiiba u guuleystay,” ayaa lagu yiri warbixinta Qaramada Midoobay ay dhawaan soo saartay.

Khuburo wax-saadaasha ah ayaa waxaa laga soo xigtay in dhismaha maamulka Galmdugu ay hareeyeen khliaafyo kala duwan, kuwaasoo caqabad weyn ku ahaa dhisma maamulkan, ayna ka mid yihiin amniga iyo xasilloonida in Somalia laga dhigo mid federaal ah.

Sidoo kale, warbixinta ayaa ka digtay in shabakado siyaasadeed oo isku xiran ay khatar ku yihiin heshiiskii ay shacabka ku nool gobolka Mudug kala saxiixdeen sannadkii 1993-kii, kuwaasoo ay xuseen inay sababi karaan inay dhiciseeyaan heshiiskaas. Taasoo ay sheegeen inay keeni karto khliaafyo soo dhexgala dadka ku nool gobollada dhexe ee Somalia, isla markaana ay keeni karto in Puntland ay ka baxdo hannaanka federaaleynta Soomaaliya.

Horumarkan ayaa la sheegay inuu ku yimid dadaallada ay xukuumadda dhexe ee Somalia ku doonayso qorshayaal ay ku doonayso inay iskaashi ka sameyso sidii loo go’aamin lahaa habka dhismaha maamul-goboleedyada

Puntland ayaa ah maamul gooni ah oo ka jira waqooyi-bari Smalia, taasoo leh ciidammo u gaar ah, dhaqaale u gaar ah iyo xukuumad u gaar ah. halka ay maamulka Jubbaland oo ay taageerayeen ciidanka Kenya ee AMISOM ay isku dayayso in daqliga kasoo gala dekedda Kismaayo uu noqdo mid ay iyada u gaar ah.

Dhanka kale, Puntland ayaa caro-weyn ka muujisay qorshayaashii ay dowladda Somalia ku sameynaysay maamulka gobollada dhexe ee dalka, taasoo ay ku sheegtay in lagu doonayo in gobolka Mudug looga jaro maamulkeeda, taasoo ay ku jirto magaalada Gaalkacyo oo ay qayb ka mid ah ay maamusho Puntland.

Iyadoo maamulka Puntland uu sheegtay in dhsmaha maamulkan lagu doonayo in qaybo ka mid ah deegaannada y maamusho looga jaro.

Ugu dambeyn, warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in maamulka loo dhisay gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ay ku saleysan yihiin sidii loo ilaalin lahaa xiriirka maamul-gobollada