Wasaaradda Maaliyadda oo Joojisay Canshuurta laga qaado Ganacsatada ee Bilaha ah

0
182

yadoo la tixraacayo wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 ee ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti, ayaa si toos ah loo joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa.

Wareegtada ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo xaaladda ammaan xumo ee dalka ka jirtay muddada dheer, taas oo sababtay in aan la qaadi karin canshuurihii ku waajibay ganacsatada suuqyada ayaa wasaaraddu si ay u barto ganacsatada waxaa lagu soo rogay 2014-kii iney bixiyaan ganacsatadu khidmad 20 doolar ah.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay si looga gudbo marxaladihii kalifay in la qaado khidmad duuduub ah, ayaa  gabi ahaanba la joojiyey 20-kii doolar ee laga qaadi jiray ganacstada suuqyada wax ku iibisa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 21/10/2015.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu la imaanayso qorshe faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sidii loo qaadi lahaa canshuuraha gadista, ee ku waajibtay ganacsatada suuqyada wax ku iibisa iyadoo la raacayo shuruucda dalka ka jirta.

Ugu danbayntii Wareegtada ayaa lagu xusay in laamaha ilaalinta canshuuraha ay gacan buuxda ka geeystaan kaalintooda ku aaddan kor u qaadidda sidii loo ururin lahaa canshuuraha