Wasiiradii Soomaaliland ee Iscasilay oo Amar la dul dhigay kadib markii madaxweynhu,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

0
174

War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxaa lagu Amray in Wasiiradii Shalay ku dhawaaqay Iscasilaadooda in aysan tagi karin Xafiisyadooda.

Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo ayaa Amar ku siiyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliland C/llaahi Fadal iimaan in Wasiirada Xilka ka tagay aysan tagi karin Xafiisyadooda ilaa ay Xilka Wareejiyaan.

Arrintaan ayaa Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu u arkaa mid uu uga hortagayo Wax isdaba marin ay Sameeyaan Wasiirada 10-ka ku dhaw ee iska Casilay Xukumaddiisa.

Sidoo kale Degaanada Soomaaliland ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa Iscasilaada Wasiirada intaa tiro le eg oo waliba ah Wasiiradii ay sida aadka ah iskugu dhawaayeen Madaxweyne Siilaanyo.