Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay arimaha maamul u sameynta hiiraan iyo shabelada dhaxe iyo arimo kale

0
189

Wasiirka wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay suurta galnimada qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Wasiir Maareeye  oo la hadlay warbahinta  ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan dhaqan geinta qodobada ka soo baxay Shirka isla markaana ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ka go’an tahay dhaqan gelintiisa.

“Guul Weeye Shirku waa soo dhamaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa soo xeray, waxaana la go’aansaday inuu bilowdo Habkii Wadatashiga oo Guddiga Howl fulinta iyo Guddiga Farsamada ay dhawaan u baxaan Gobolada Dalka si ay kulamo wada tashi ula soo qaataan bulshada rayidka ayuu yiri Wasiirku”.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale ka warbixiyay sababto Kulamadaan loogu reebay Gudoomiyeyaasha Maamulada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ah labada Gobol ee hada uu socdo qorshaha Maamul goboleed logu sameynayo.

Waxa uuna sheegay in Guddiga Farsamada ay ka fakirayaan Arrintaan isla markaana y ka tashan doonaan balse hadii ay ka hor Bisha December dhistaan Maamulkooda waaxa qasab ah in lagu soo daro Shirka Wejigiisa labaad