Wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo maanta ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay

0
183

Wasiirkii dhallinyarada iyo cayaaraha Somaliland, Axmed Cabdi Kaahin ayaa maanta ku dhowaaqay inuu xilkii wasaaraddaas iska-casilay, isla markaana uu ka mid noqon doono xildhibaanadda golaha Wakiilada oo boos uga soo baxay.

Kaahin ayaa sheegay in aanu isku aragti ahayn wasiiradii ka horeeyey ee is casilay, laakiin maalmahaan uu doonayay inuu iscasilo  maantana ay ku dhalatay inuu is casilo.

“Saacadan laga billaabi waan iska-casilay xilkii aan wasaarada u hayay, waxaana galayaa baarlamaanka oo xubintaydii banaanaatay, aad baan uga mahad celinayaa madaxweynaha mudaddii aan la soo shaqaynayey”ayuu yidhi Kaahin oo ka hadlayey iscasiladaasi.

Mar la waydiiyay inay is-casilaaddiisan daba-socoto cabasho uu ka tirsanayo wasaaradda Maaliyadda oo usii deyn wayday lacagtii lagu qabanayey ciyaaraha socda, waxa uu yidhi “maanta mar haddii aan ka tagay wax cabasho ah muujin mayo.”

“Xiriir lama lihi ragaas is-casilay (Wasiirradii hore) intii aanay iyagu waxba ku dhawaaqin ayaan doonayay inaan shaaciyo kaddib markii shaqaddii socon wayday ayaan go’aansaday inaan ka tago xilkaasi”ayuu kaga jawaabay su’aal ahayd in is casilaadiisu xiriir la leedahay wasiiradii ka horeeyey.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirkan is-casilay maanta ayaa khilaaf u dhexeeyay wasaaradiisa iyo wasaarada maaliyadda kaddib markii wasaaradda ciyaaruhu lacag ay dalbatay oo lagu qaban lahaa ciyaaraha ay bixin wayday taasoo hadda loo aanaynayo inay tahay sababta ugu weyn ee uu iskaga casilay xilkii wasiirnimo.

Sidoo kale, Axmed Cabdi Kaahin ayaa muddo sanad ku dhowaad ahaa banaanayd boos uga soo baxday xildhibaanada golaha wakiillada ka dib markii xildhibaankii isaga ka horeeyey uu geeriyooday taas oo ahayd inuu isagu buuxiyo balse uu ka door biday inuu wasiirnimo sii ahaado.

Ugu dambeyn, Kaahin ayaa ka mid ahaa musharaxiintii sannadkii 2005-kii isku soo taagay xildhibaannimada golaha wakiiladda haseyeeshee aan ku guulaysan inuu xildhibaan noqdo, waxaanu ku jiray liiska sugayasha ah ee haddii xisbigiisa xildhibaan ka baxo ama uu ka dhinto uu buuxin lahaa, taasoo sanad ka hor u soo baxday oo ahayd inuu buuxiyo booskaas xildhibaanimo ee u soo baxday, waxaana hadda uu si toos ah u gali doonaa booskaas xil-dhibaano mar haddii uu iska casilay wasiirnimadii.