{DAAWO SAWIRADA} Shaqaalaha UN-ka oo Howlo qashin aruurin ah ka sameeyay Xeeb kutaala Muqdisho

0
176

Waxaa shalay xarunta xalane ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sanadguurada 70-aad ee kasoo wareegtay markii la aas aasay Hay’ada Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay Dalka Mareykanka.

Munaasabada kadib ayaa qaar kamid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay waxa ay howlo qashin aruurin ah ka sameeyeen Xeeb kutaala dhabarka dambe ee xarunta Xalane halkaas oo fadhi iyo deegaan u ah Hay’adaha Un-ka iyo saraakiil ajanaiib ah.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinaya in qaar badan oo kamid ah Shaqaalaha UN-ka ay dhaxda u xirteen in qashinka ka aruuriyeen Xeebta Xalane kutaala, waxaana qashinkan ay aruuriyeen la isugu geeyay goob loogu tala galay.