Xasan Sheekh iyo Madaxda Wadamada ay Ciidamada Ka Joogan Somalia oo Sacuudiga looga yeeray

0
212

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tagi doona dhamaadka bishaan October dalka Sacuudiga si uu arimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya uu ugala hadlo boqorka wadankaasi Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

Diplomaasi Soomaali ah ayaa sheegay in waxyaabaha ay labada mas’uul ka wada hadli doonaan ay qeyb ka tahay Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Xarakada Al-shabaab iyo sii xogeysiga gobolka ee Al-qaacida.

Sarkaal sare oo Soomaali ah ayaa sheegay in labada mas’uul ay ka hadli doonaan dadaalada loogu jiro xasilooni lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya iyo dar dar galinta dagaalka Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadli doona boqorka qorshaha dowladda ee sanadka 2016-ka,madaxdaasi ayaa sidoo kale soo hadal qaadi doona dhibaatada dalka Yemen.

Boqorka Sacuudiga ayaa sidoo kale waxa uu u yeeray Madaxweynaha dalka Jbauuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hayla Maryam Disaliin.

Labada dowladdood ayaa la tilmaamay in ay qabaan walaac lamid ah mida haysata dowladda Soomaaliya ee ku aadan kooxaha loogu yeeray argagexisada dhaq dhaqaaqyada gobolka ay ka sameenayaan gaar ahaan Xarakada Al-shabaab.

Boqorka ayaa kulamo gooni gooni ah madaxdaasi la qaadan doona,waxana ugu horeeya Madaxweynaha Jabuuti kulanka uu la yeelan doono.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa dibada uga amba bixi doona dalkiisa tan iyo markii la doortay waxyabaha bqoorka kala hadli doono waxaa kamid ah arimaha Somalia iyo Yemen.

Kulamadaan dhamantood ayaa quseeya sidii ay Sacuudiga wadamadaasi ay ula saxiixan lahayd heshiis dhinaca amaanka ah.