Xasan shiiq oo sheegay sharciga la dagaalanka Argagixisada muhiimad weyn in uu ugu fadhiyo Dowladda

0
198

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Somaliya, ayaa sheegay muhiimad gaar ah in uu ugu fadhiyo sharciga la dagaalanka Argagixisada, waxaana uu ka codsaday Baarlamaanka Somaliya inay meel mariyaan.

Madaxweynaha wuxuu sheegay waxyaabo badan inay ku xaniban yihiin sharcigaasi oo Dowladda Somaliya u sahli lahaa inay dagaal kula gasho waxa loogu yeero argagixisada.

Xasan Sheekh ayaa intaasi warkiisa ku daray argagixisada dalka inay ka dilaaceen wixii ka dambeeyay burburkii dalka Somaliya, sidoo kalena dhalinyarada qaraxyada geysanaysa ay jiraan fekrado ka dambeeya howsha ay qabtaan.

Baarlamaanka Somaliya ayuu ka codsaday inay meel mariyaan sharciga la dagaalanka waxa loo yaqaan argagixisada.

Dowladda Somaliya, gaar ahaan Wasaarada Amniga ayaa horay u soo saartay sharcigaan, balse weli Baarlamanaka Somaliya ma aysan ansixin sharcigaan