Xildhibaanada Puntland oo kulan deg deg ah isugu yimid kadib markii baarlamaanka uu …………………………..

0
252
Kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, gaar ahaan hoolka ay kulmaan Xildhibaanada ayaa waxa ay ku soo dhaweeyeen iscasilaadii uu ku dhawaaqay Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland.

Kulanka waxaa shir Guddoominaayay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland, waxaana shirka markii la furay cod loo qaaday Mooshinkii laga soo gudbiyay Guddoomiyihii iscasilay.
Xildhibaanada oo cod u qaaday Mooshinka ayaa waxaa HAA ku ogolaatay Xildhibaano gaaraya 47, labo kamid ah waa ay diideen halka wuu ka aamusay, Kooramka waxaa fadhisay 50 Xildhibaan.
Xildhibaanadu waxay cod u qaadeen Iscasilaada Gudoomiye Saciid Xasan Shire iyo xubintiisa Xildhibaanimada oo uu iska casilay waxaana Ogolaaday iscasilaada 45 Xildhibaan halka ay diideen 5 xildhibaan.
Baarlamanka Puntland, ayaa looga fadhiyaa in uu soo doorto Guddoomiye cusub oo uu yeesho Baarlamaanka Puntland, maadaama Guddoomiyihii hore saaka uu iscasilay.