Xukumada oo Digniin u jeediyay cid kasta oo carqaladeysa Qodobadii ka soo baxay shirkii shalay lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

0
171

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin cidii carqaladeysa hanaanka geedi socodka marxalada Siyaasadeed ee dalka Somaliya.

Wasiir Odawaa, waxa uu sheegay Ergadii ka qaybgashay shirka ka dhacay Magaalada Muqdisho ay isla garteen in meel looga soo wada jeesta cidii carqaladeysa hanaanka geedi socodka Somaliya.

Hadalkiisa intaasi wuxuu sii raaciyay, Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya inay muhiim tahay la tashi in lala sameeyo Qurbajoogta Somaliyed si ay door uga qaataay marxalada Siyaasada Somaliya.

Shirka Magaalada Muqdisho ku soo dhamaaday ee Madasha Wadatashiga Qaranka, ayaanan laga soo saari go’aano cad cad oo ku aadan nooca ay noqon doonto doorashada dalka Somaliya ka dhaceysa, hayeeshe waxaa lagu balamay in la isugu yimaado dhamaadka sanadkan si halkaasi loogu go’aamiyo nooca doorasho ee Somaliya ka dhici doonta.