Xukumada Soomaaliya oo baaq u dirtay Dalalka Caalamka iyo Hay’addaha Samafalka

0
178

Baaqan ayaa salka ku haya sidii Dowladda Soomaaliya loogala Shaqeyn lahaa caawinta Dadka laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato Fatahaadda Wabiyadda Shabeele iyo Jubba iyo sidoo kale Roobabka Da’aya, taas oo horey looga digay.

Reysul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa baaq u diray Dowladdaha Caalamka iyo hey’addaha Samalka khaabilsan.

Dhanka kale waxaa uu sheegay  Reysul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya in ay u baahan yihiin in ay ogaadaan hey’addaha khaabilsan Gargaarka eek u sugan Dalka gudihiisa iyo Shaqooyinka ay qabtaaan.

Meelo kamida Gobolka jubbadda  Dhexe Gaar ahaan Dagmadda Bu’aale ayaa waxaa shalay ku fatahay Wabiga Jubba kaas oo khaasaaro u geystay Dhul Beereed iyo Guryo halkaas ku yaalay, waxaana sidoo kale isla shalay laga Barakay xaafadu kamida Gobolka Sh. Dhexe .

Waxaa jira baqdin xoogan oo ay muujinayaan Dadka daga iyana Gobaladda Bay iyo Bakool iyo Deegaano kale oo ay maraan Wabiyadda Shabeele iyo Jubba.