Xukuumadda Finland oo sheegtay inay dib u eegayso Qoxootiga ka imaanaya Somalia iyo Ciraaq

0
175

Xukuumadda Finland ayaa sheegtay inay soo gaba-gabeysay qiimayntii xaaladaha amni ee dalalka Somalia iyo Ciraaq, ayna tira-koobayso dadka soo galootiga ah ee dalkeeda ku sugan.

Finland ayaa sheegtay in qaybo badan oo kamid ah dalka Somalia aysan ka jirin xaalad amni-daro, taasoo sabab ay ugu dhigtay go’aanka ah in dalkaas uu koobi doonto sharciyada la siiyo dadka magangelyo-doonka ah ee dalkaasi tagay, iyadoo tani ay muujinayso inay hoos u dhici doonaan magangalyo-doonka Soomaalida ah ee dalkaas galaya.

Laanta socdaalka ee Finland ayaa sheegtay in ku dhawaad 24,000 oo qaxooti ah ay soo gaareen dalkeeda, kuwaasoo qayb ka ah qoxootiga ku qulqulaya Yurub. Iyadoo qaaradda ay gaareen tiro kor u dhaafaysa 680,000 oo muhaajiriin ah, oo kasoo cararay dagaallada ka taagan dalalka Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya.

Sidoo kale, waaxda socdaalka dalka Finland ayaa intaas ku dartay in gobollada ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia oo Muqdisho ay ku jirto aysan hadda ka jirin xaalad ammaan-darro ah oo sababi in qaxootiga ka imanaya goobahaasi ay naftooda halis ku jirto, isla markaana ay ku salayn doonto ogolaanshaha dacwadaha magangalya-doonka ah duruufaha shakhsiga ah iyo xaaladaha gaaraka ah ee qofku uu kasoo cararay.

Tallaabadan ayaa walaac ku abuurtay qaxootiga Soomaaliyeed ee dhawaan galay dalkaas. Waxayna xukuumadda Finland waxaa warkeeda ku sheegtay in si gaar ah loo fiirin doono dacwadaha dadka jilicsan oo caruurta iyo haweenku ka mid yihiin. Soomaalida dalkaasi gaaray ee aan wali la ogolaan ayaa walaac ka qaba go’aanka kasoo baxay Finland.

Waddanka Finland waxaa ku sugan 24,000 oo magangalyo-doon ah, kuwaasoo Finland soo galay sanadkan 2015-ka, 1,900 qof oo ka mid ah dadkaasi waxay ka yimaadeen Somalia, halka 17,000 oo kalena ka yimaadeen dalka Ciraaq.

Ugu dambeyn, toddobaadkii hore ayaa sidan oo kale ay dowladda Finland waxay u adkeysay hababka ogolaanshaha codsiyada ka imanaya qaxootiga ka yimid dalka Ciraaq, iyadoo sheegtay in dhibaatooyinka shakhsiga ah oo kaliya ahi la tixgalin doono oo aanay jiri doonin in qof kasta la aqbalo.