Addis Ababa oo lugu qabtey koox dooneysey inay ku dhawaaqdo dowlad islaami ah

0
532

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysey qiratey in waddankeda ay ku sugan-yihiin koox xiriir la leh al-Shabaab iyo ururka la baxay dowladda Islaamiga ee Daacish,sida waxaa lugu baahiyay bogga ARA News

Dacwad ooge Tedros Bahro oo wariyaasha kula hadlay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen koox looga shakiqabo inay xiriir laleeyihiin al-Shabab iyo Daacish oo doonaye inay gudaha waddanka Itoobiya uga dhawaaqaan dowlad islaami ah.

Waxaa kalo uu sheegay in kooxdan sidoo kale ay qorsheenayen inay weerarro argagixiso ka fuliyeen gudaha Itoobiya,balse waxa uu dacwad oogahani ku faanay in ciidamadu ay fashiliyeen isku daygii dhallinyaradan.

Tedros ayaa muujiyay walaac ku aadan in shaqsiyaad iyo kooxo xiriir la leh al-Shabaab ay ku sugan-yihiin deegaanno ay ka mid-yihiin Oromiya, Jima, Laqqa, Chourabi, Khamisi, iyo dhulka Soomaalida ee Itoopiya oo ay ka mid tahay Jig-jiga.

Saldhigga ugu weyn ee kooxda laga shakinayo waxuu ku sheegay inuu ku yaallo magaalada Addis Ababa oo xarun u ah dalka Itoobiya,gaar ahaana xaafadda Kolfi Qrayno.

Dowladda Itoobiya ayaa gudaha Soomaaliya kula dagaallan-ta ururka al-Shabaab,waxaa kalo gudaha dalka ku nool islaamiyiin la cadaadiyo oo Itoobiyan ah.
__