Afayeenka Xarakada Al Shabaab Cali Dheere Oo Kawarbaxiyay Xalada Al Ahabaab

0
248

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa hadal uu jeediyey waxaa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya xaalada ay ku sugan yihiin Xilligaan Al-Shabaab.

Cali Dheere oo la hadlayay idaacada afka Shabaab ku hadasha ee Andalus ayaa sheegay in midnimada Al-Shabaab ay tahay mid muhiim ah, isagoo si maldahan uga hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in dhexdooda isku khilaafsan yihiin ku biiritaanka Daacish.

Waxaa uu sheegay in aanay aqbali doonin cid kasta oo kala qeybisa safka Muslimiinta, isla markaana gacanta lagu dhigi doono sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in cadawga uu isku dayayo inuu kala qeybiyo dhexdooda, isla markaana la isugu diro, taasoo uu tilmaamay inay tahay ujeedo aan marnaba u suurta geli doonin cadawga sida uu yiri

“Cid walba oo kala jebisa safka mujaahidiinta, ma aqbali dooni, gacanta ayaana lagu qabanayaa”ayuu yiri Cali Dheere.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay la xisaabtami doonaan kuwa khalaalasaha ka dhex wada gudaha Ururkooda.

Waxaa uu baaq u jeediyay Maamulada Al-Shabaab ee Gobolada, isagoo faray inay xil gaar ah iska saaraan xanaaneynta dadka ay maamulka u yihiin, ayna ilaaliyaan Midnimada Muslimiinta.

Sheekh C/qaadir Muumin iyo labaatameeyo ka tirsan Al-Shabaabka ku sugan buuraha Galgala ayaa dhowaan ku dhawaaqay inay ku biireen Daacish, ayna la midoobeen Kooxda uu hogaamiyo Abuubakar Al-Baqdaadi.

Hadalka Cali Dheere ayaa ku soo beegmaya, iyadoo ay kooxda dhexdeeda ka dhex taagnaayeen muran ku saabsan in lagu biiro Daacish iyo in laga sii mid ahaado Al-Qaacida, waxaana jiray in la xiray saraakiil badan oo isugu jiray ajnabi iyo Soomaali, kuwaasoo khudbado shaki gelinaya midnimadooda ka jeediyay masaajidada.