Al-shabaab Oo Weerar ku Qaaday Ciidamada Puntland ee Buuraha Galgala

0
303

Wararka laga helayo Gobolka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay Weerar Culus ku qaadeen Fariisimo Ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin Buuraleyda Galgala Ee Puntland.

Al-shabaab ayaa sheegay in Weerar iskugu jira Madaafiic iyo Weerar Toos ah ay ku qaadeen Fariisimo Ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin Buuraleyda Galgala.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu Sababay Dhimasho iyo dhaawac,inkastoo aan la ogeyn Khasaaraha kala gaaray Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab.

Puntland ayaa horay u sheegtay in Al-shabaabka Galgala lagu Jabiyay Buuraleyda Goolis islamarkaana Galgala inteeda badan ay Puntland Maamusho.

Bishii hore ee October ayey Shabaabka Galgala sheegeen in ay la midoobeen Kooxda isku Magacawda Khilaafada Islaamka ee Daacish.