Amaro lagu soo rogay Hoteelada ku yaallo Magaalada Jowhar

0
219

Booliska Magaalada Jowhar ayaa soo saaray awaamiir ku socota Hoteelada ku yaallo Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Awaamiirta ayaa waxa ay tahay in Hoteelada ay soo diiwaangeliyaan dadka seexanaya, iyadoo laga duulaayo xaqiijinta ammaanka Magaalada Jowhar sida uu Idaacada Risaala u sheegay Taliye ku xigeenka Saldhiga Degmada Jowhar Geele Isaaq Warsame.

Geelle, ayaa sheegay Hoteelkii aanan fulin amarkaasi in laga qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan, sidoo kalena loo arkaayay in uu ka soo horjeedo ammaanka Magaalada Jowhar.

Inkastoo Magaalada Jowhar aysan ku oolin Hoteelo badan oo awaamiirtaan ay saameynayso ayaa hadana Masuuliyiinta Hoteelada loogu baaqay inay Saldhiga tagaan.

Taliska Nabad Suggida Somaliya ayaa dhawaan soo saaray awaamiir ku socota Hotelada Muqdisho, kadib werarkii Hotel Saxafi 1-dii Bishan.