AMISOM oo ballan qaadday iney daweynayaan haween ay dhaawaceen buulo burde

0
197

Mid ka mida Afar haween ah oo uu  gaari AMISOM leedahay ku jiidhay degmada Buuloburte ayaa  u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray shilkaasi, halka saddexdii kale la Geeyey magaalada  Muqdisha maaddaama halkaasi wax looga qaban waayay.

Cismaan Geedi Raage oo ah duqa degmada Buuloburte oo warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay  dhacdadaasi Mid Musiibo rabaani ah ayna kala hadleen saraakiisha ciidanka Jabuuti sidii ay gacan uga geysan lahaayeen baxnaaninta caafimaadka gabdhahaasi.

Saraakiisha ugu sarreysa ciidanka Jabuuti ayaa waxay sheegeen inay dhibaatadaasi iyaga geysteen,waxayna ku tilmaameen mid aan ula kac ahayn,iyagoo ballan qaaday iney gacan ka geysan doonaan daweynta gabdhahaasi Soomaaliyeed ee uu gaadiidkoodu jiiray.

Magaalada Buulobarde ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan ee sida buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti oo ku jooga magaca AMISOM.