AMISOM oo si adag uga hadashay dilkii Sarkaal u shaqeynayay UNMAS loogu geystay Baladweyne

0
235

Taliska Howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya[AMISOM] ayaa maanta cambaareeyay toogashadii Mahdi Xuseen Macow loogu geystay maalin ka hor magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Mahdi Xuseen Macow ayaa ahaa madaxii hay’adda miino-baarista Qaramada Midoobay ee UNMAS, iyadoo AMISOM ay war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in Mahdi uu sidoo kale ahaa madax xafiiska xiriirka bulshada (CLO), xafiiskaasoo xiriir dhow la lahaa howlgalka xasilinta ee AMISOM.

“Dilka Mahdi Xuseen Macoow waxay calaamad cad u tahay in weli ay jiraan kooxo cadow ku ah nabadda, kuwaasoo doonaya inay hor-istaagaan dadaallada lagu xasilinayo Somalia si ay nabad-buuxda uga hirgasho,” ayay AMSIOM ku tiri warbixinteeda.

Ugu dambeyn, AMISOM ayaa war-saxaafadeedka ku xustay inay tacsi dirayso guud ahaan ehelladii, saxiibbadii iyo hay’adda UNMAS ee uu ka geeriyooday Mahdi Xuseen Macoow oo loo yiqiinnay Shiiqaal.

Dhanka kale, Dilka sakraalkaan ka tirsanaa UNMAS ayaa xiisado ka dhaliyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasoo keentay in xukuumadda Sooomaaliya ay u diro guddi baaritaan magaalada Baladweyne.

Si kasta ha ahaatee, magaalada Baladweyne ayaa waaxa shalay iyo maanta ka jiray xiisado sababay inay xirmaan isku socodka gaadiidka iyo shacabka ku nool magaaladaas.