Aqriso Magacyada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhaxe

0
261

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaa dhawaan soo saaray magacyada 14-Xubnood oo noqonaya Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Guddigan magacaabistiisa waxaa durba ka dhashay mucaaradad iyo banaanbaxyo waa weyn oo looga soo hojeeday, beelaha qaar iyo Siyaasiyiin saameyn leh ayaa durba diiday Guddigan kuna baaqay in Guddigan dib loogu laabto raali galina laga bixiyo.

Beelaha Qaarkood ayaa moodaa in Xaquuqdooda la duudsiiyay halka beelo kalana loogu eexday Guddigan, waxaa sidoo kale Guddigan xubno laga siiyay Beelo aan hal Degmo xitaa aan ku laheyn Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhaxe.

hiranweyn.com  ayaa dabagal dheer kadib waxaa usuurto gashay in ay soo hesho magacyada iyo Qabiilada Guddiga Farsamada Baadilka Ku dhisan Maamul u sameynta Gobolda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Halkan ka Aqriso Magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan Guddiga Farsamada

1-Caasho Cabdulle Xasan (Raagto).         Beesha Abgaal
2-Maxamed Cali Nuur.                               Beesha Xaawaadke
3-Cusmaan Barre Muxumad                     Beesha Gaaljecel
4-Caa’isho Abuukar Cismaan.                   Beesha Baadicade
5-Cabdikariin Shire Cabdi.                         Beesha Habarguidri
6-Cabdraxiin Xaaji Fiqi.                             Beesha habargidir
7-Cusmaan Ibraahin Cali. Mudulood-     Beesha Moobaleen
8-Maxamed Axmed Xasan (Ayax)            Beesha Mudulood-Hilibi
9-Cabdraxmaan Maxamed Diiriye.          Beesha Shanaad Yaxar
10-Cabdraxmaan Faarax Xirsi.                 Beesha Shiikhaal
11-Axmed Cabdraxmaan Abuukar.           Beesha Reer Aw xsab
12-Sh,Maxamuud Shiikh Yuusuf.              Beesha Shiidle
13-Cabdraxmaan Cabdi Cilmi.                    Beesha Ujejeen
14-Bashiir Sh.Ibraahin Xaaji Cismaan.     Beesha Dir Faqo Cumar