Askari ka Tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland Oo Toogasho Ku Dilay Saddex Sarkaal Aagga Galgala

0
190

Askari ka ka tirsan Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa saaka aroortii hore saddex sarkaal kale ku dilay aagga Buuraha Galgala oo saldhig u ah Ciidamada daraawiishta.

Weerarka ayaa dhacay xilli askarta la dilayay ay shaah ku cabayeen goob aan sidaa uga fogeyn fariisimaha ay ku leeyihiin Buuraha Galgala.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ku sugnaa aagga buuraha galgala, waxaana uu dilay sarkaal iyo labo sarkaal kuxigeen, halka uu dhaawacay labo sarkaal kale.

Abaanduulaha ciidamada daraawiishta Puntland ee aagga Galgala G/sare Shire Cumar Cali ayaa u sheegay Idaacada VOA in askariga dilka geystay iyo saraakiisha kale ee uu dilka iyo dhaawaca uu u geystay aysan horay u jirin wax dhibaato ah oo ka dhex taagneyd.

Sidoo kale waxaa uu xusay in askariga dilka geystay madaxa uu ka xanuunsanaa, isla markaana markii uu falka geystay oo uu cararay isna la dilay.

Meydka iyo dhaawaca saraakiisha iyo askarta ayaa la geeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoo dhaawacyadana la dhigay Isbitaalka magaalada.