Baaqyo Nabadeed oo kasoo baxay Culimada Gobolka Mudug.

0
327

Culimada Gobolka Mudug ayaa baaq nabdeed ka diray dagaalkii shalay Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Ciidamo kala taabacsan Puntland & Galmudug.

Shiikh Sayid Cali Shiikh maxamed oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay ku baaqayaan nabad waxaana dhinacyada dagaalmay uu ugu baaqay inay dadaaglka ku joojiyaa si sharuud la’aan ah.

”waxaan ku baaqaynaa in dagaalka la joojiyo wax walbana xal & nabadayn lagu dhammeyo si guul & hormar badan loo tiigsado” Ayuu yiri Shiikh Sayid Cali.

Waxa auu sheegay in madaxda labada Maamulba ay kala hadleen sidii nabad galayada loo xoojin lahaa dagala dambena usoo noqon lahayn.