Baarlaamaanka Soomaaliya Oo Ka Doodaya Qaraar ka Dhan ah Darbiga Kenya

0
203

Guddiyada Arimaha Gudaha iyo Guddiga Arimaha Dibada Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta waxa ay Xildhibaanada hor geyn doonaan Qaraar laga soo diyaariyay xadgudubka Dowladda Kenya ay ku soo sameysay dhulka Somaliya.

Kulan ay mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ay ku yeelanayaan xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa looga doodayaa Qaraarkaasi, waxaana Xildhibaanada ay cod u qaadi doonaan qaraarka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah Habdhowraha Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay Ajandaha maanta in uu yahay qaraarkaasi laga soo diyaariyay Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xuduuda.

“Maanta oo taariikhdu tahay 14 November oo maalin sabti ah, waxaa jira kulanka Baarlamaanka, waxaana dood adag oo aad kulul laga yeelanayaa darbiga kenya, waxaa la horkeenayaa Baarlamaanka qaraar ku saabsan arrintaas oo ay soo diyaariyeen Guddiyada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Kenya ayaa horay waxa ay u qaadatay dhul Somali ay leedahay oo la odhan jiray NFD, hadana Kenya ay u taqaan Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyadoo weli Kenya ay wado xadgudubka ku aadan dhulka Somaliya.