Baarlamaanka oo Guddi Xaqiiqo raadin ah u diraya Darbiga Kenya ay dhiseeysov Xadka

0
161

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xaruntooda Ee Magaalada Muqdisho ayaa u balan sanaa in ay Qaraar cad ka soo saaraan Dhismaha Darbiga Dowladda Kenya ay ka dhiseeyso Soodinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya,balse la sheego in Kenya ay ku soo Xad gudubtay Qeybo kamid ah Dhulka Soomaaliya.

Guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Guddaha Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jeediyay in marka hore la diro Guddi Xaqiiqo raadin ah oo qiimeyn ku soo sameeya Dhismaha Darbiga Kenya ay ka dhiseeyso Soodinta Labada Dal.

Guddiga ayaa Baarlamaanka uu sheegay inuu qiimeyn ku soo sameyndoono sida ay Arrintu tahay iyo waxyiga ka kira Halkaasi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalmahaan Dood kulul ka lahaa Arrinta muranka  Dhisamaha Darbiga Kenya,iyadoo Xildhibaanadu ay Cod u qaadeen intii ay Xiisadaani jirtay in Ciidamada Kenya ay ka baxan Guddaha Soomaaliya,maadaama aysan ku joogin Ogolaansho Baarlamaan.