Baarlamaanka somaliya oo mar kale ka doodaya Xeerka Saxaafadda Soomaaliya

0
176

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodi doona Xeerka Saxaafadda oo mudooyinkaan horyaallay Golaha Baarlamaanka.

Xildhibaanadda ayaa lagu wadaa in ay maanta ka doodaan Akhrinta Labaad ee Xeerka Saxaafadda Soomaaliya,kaas oo mari doona ilaa Dhowr Akhrin.

Xildhibaan Maxamed  Cumar Maxamuud oo ah Habdhowraha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  warbaahinta u sheegay in maanta Mudaneyaashu ay ka doodi doonaan Sharciga Xeerka Saxaafadda,

Sharciga Xeerka Saxaafadda ayaa horay waxaa u meel mariyay Golaha Wasiiradda Soomaaliya,iyadoo Baarlamaanka laga sugayo in ay Ansixiyaan ama ay ku heliyaan Golaha Wasiiradda.