Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Doodaya Xeerka Saxaafada..

0
200

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo Dhowr Akhrin maray,kaas oo horyaalla Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka ay maanta Dood ka yeellan doonaan Hindise sharciyeedka Xeerka Saxaafadda Dalka,kaas oo la doonayo in la Meelmariyo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaaa waxaa hor yaalla Ansixinta Xeerar badan oo uu ka mid yahay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo ay meel mariyeen Golaha Xukumadda Soomaaliya.